Ereteriya oo gudaha u gashay Itoobiya + warar kasoo kordhay dagaalka waqooyiga.

Wednesday October 07, 2026 - 19:55:21
MeMO Staff
Ciidamo Eritrean ah ayaa la sheegay in maanta oo Arbaca ah ay gudaha u galeen waqooyiga Itoobiya, xilli xiisadda u dhexeysa Addis Ababa iyo Asmara ay cirka isku sii shareertay, isla markaana ay qarka u saaran yihiin in dagaal hor leh uu mar kale ka dhex qarxo.
Goobjoogayaal la hadlay Reuters ayaa sheegay in ciidamo Erateriyan ah lagu arkay magaalada Adigrat ee waqooyiga Itoobiya, iyagoo subaxnimadii saaka halkaas maraya gaadiid militari. Ciidamadan ayaa la sheegay inay xirnaayeen dareeska midabka khafiifka ah ee ciidamada Eritrea.

Sida wargeyska Borkena sheegay, dadka deggan magaalada Adigrat waxa kaloo ay sheegeen in ciidanka millateriga Erateriya ee gudaha magaalada la arkay iyagoo wata cutubyo gaadiid dagaal ah, una socda dhanka koonfureed, ee caasimadda gobolka Tigray.

Ilo kale oo wargeysku ku tilmaamay kuwo xog-ogaal ah kuna sugan Mekelle ayaa iyaguna xaqiijiyay wararkan, iyagoo soo xiganaya dadka Adigrat, kuwaas oo sheegay inay arkeen kolonyo gaadiid dagaal ah oo maraya waddada koonfureed ee ku wajahan Mekelle.

Sidoo kale wararka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo lagu arkay marinka isku xira Zalambessa iyo Fatsi, oo ah xarunta maamulka degmada Gulomakeda. Dadka deegaanka ayaa sheegay in cutubyo milatari ay saldhigyo ka sameysteen kulliyadda dowladda ee Fatsi.

Ciidamada ayuu wargeysku sheegay in aaggaasi ay ka dhisteen goobo difaac oo ku yaalla buurta istaraatiijiga ah ee Fiya Qeshi, oo ah meel sare oo laga ilaashan karo waddada Fatsi iyo Adigrat, taas oo hore loogu adeegsan jiray dagaalladii ka dhacay deegaanka.

Sida la sheegay, ciidamo ayaa roondo iyo kormeer ka wada inta u dhexeysa Zalambessa iyo goobaha ay ciidamada difaaca ka sameysteen. Waxaanay arrintani imanaysaa iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalku ay qireen in ciidamo shisheeye ay ka qayb qaadanayaan dagaallada waqooyiga Itoobiya.

Geesta kale, warar ka imanaya bartamaha Tigray, ayaa sheegaya in Ciidanka Itoobiya, oo kaashanaya maleeshiyaad iyaga taabacsan, ay gacanta ku dhigeen Agulae, oo ah magaalo ku taalla waqooyiga Mekelle, kadib dagaallo culus oo saaka ka dhacay halkaas.

Kadib markii Mekelle gacanta lagu dhigay, ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ayaa sidoo kale u dhaqaaqay dhanka Hagere Selam, oo koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda gobolka, kuna taalla marinka isku xira deegaanka Tembien.

Geesta kale, maleeshiyaadka Amxaarada ee Fano ayaa la sheegay in iyaguna saacadihii lasoo dhaafay ay dhabar-jebin ku sameeyeen ciidanka Itoobiya, isla markaana ay kala wareegeen magaalada Mehal Meda oo geesta waqooyi-bari kaga taalla gobolka Amxaarada.

Si kastaba, Joogitaanka la sheegay ee ciidamada Eritariya ayaa sii kordhinaya walaaca laga qabo in dagaalka waqooyiga Itoobiya uu isu beddelo colaad ballaaran oo ku faafta gobolka oo dhan, maadaaxa Itoobiya ay wajahayso isbahaysi ay ka mid yihiin Masar, Eretariya iyo Suudaan.

Related Items

Update cookies preferences